Daawo: Wiil Soomaaliyeed oo jaasuus u ah FBI-da oo kasoo muuqday Maxkamada…

somali-recruitment-isis-minnesota-hpMuuqaalka iyo Magaca Wiilkii Jaajuuska ahaa ee u shaqeynaayey heyada Sirdoonka dalkaas Mareykanka ee FBI ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay ka dib markii uu ka soo muuqday maxkamadii Qaadaysay dacwada saaxiibadiis oo ku eedeysnaa inay ku biiraan kooxda ISIS iyadoona uu wiilkaas ay heyada FBI ay siisay lacag gaareyso ilaa iyo 120,000 oo doolar si uu u soo shirqoolo dhalinyaradaas saaxiibadiis ahayd.

Wiilkaan Jaajuuska ahaa oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Bashiir oo 20 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu in mudo ah uu la shaqeynaayey FBI dalkaas Mareykanka si uu ugu soo gacan galiyo dhaliyaro saaxiibadiis ahaa oo ay mar wada damacsanaayeen inay u wada kicitimaan dalkaas Siiriya si ay ugu biiraan jabhada ISIS, Wiilkaan oo dhawaantaan ka so muuqday Maxkamada la saaraayey saaxiibadiis si uu ugu Marqaati Furo ayaa Dhalinyaradaas saaxiibadiis ahaa waxaa uu ku dhiirigalin jirey inay isu diyaariyaan safarkaas asagoo sidoo kale u diyaariyey baasabooro bug ah ama Faalso xilli ay arintaas ka caawinaysay FBI dalka Mareykanka, Wiilkaan ayaa waxaa uu si toos ah ugu gudbin jirey falalka dhaliyaradaas heyada FBI asagoo sidoo kalena duubi jirey wadahadalada uu la yeelanaayey saaxiibadiis islamarkaana u gudbin jirey FBI dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here