Daawo: Wasiiro Arimo Dibadeedka ku Jira IGAD oo dhamaantood Yimid Muqdisho

Wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Itoobiya,Kenya,Suudaan,Suudaanta Koonfureed,Jabuuti iyo Uganda ayaa waxay soo gaareen Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shirka IGAD ee berri oo Sabti ah ka furmaya Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyey Wasiirada isagoo kaga hortagay Garoonka Diyaarada Muqdisho waxaana kadib uu usoo galbiyey Hoteelka ay deggi lahaayeen.

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Haweeneyda la yiraahdo Aamina Maxamed ayaa waxay aad ugu faraxday isbadalka ka jira Muqdisho ayna soo dhaweynayaan hormarka socda.

Si la mid ah hadalkaasi waxa maanta ka dhawaajiyey Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaasi oo amaanay Hormarka ka socda Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA QAABKII LOO SOO DHAWEEYEY WAFUUDAASI TIMID MUQDISHO

unnamed unnamed-1 unnamed-2 unnamed-3 unnamed-4 unnamed-5 unnamed-6 unnamed-7 unnamed-8 unnamed-9 unnamed-10 unnamed-11 unnamed-12 unnamed-13 unnamed-14

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here