DAAWO VIDEO: Dhaqan rogga kusii socda dhalinteena ma dibadeey ka keeneen?

Barnaamijka dhaqanka iyo hiddaha
Dhaqanka iyo hiddaha

Inta badan waxa la dareemayaa in Dhaqan rog uu kusii socdo dhalinteenii gabdhaha iyo wiilasha da’doodu ka hooseyso 25 sano jirka.

Haday noqon laheyd Afkeenii Soomaaliga oo laga door biday afaf ajaanib ah,qaabka xirashada dharka,jariinka tinta,socodka iyo laafyaha oo la badelo iyo sida loogu ekaaday reer galbeedka.

Dadka qaar ayaa aaminsan in dadka qurbaha tagey ee hadana dalka kusoo laabtay ay yihiin kuwa ugu badan ee nabaad guurka kusii socda dhaqankeena iyaga usabab ah.

Qaarkii dhalinyarada ama dadka waa weyn xitaa aan ku daree waxay isticmaalaan erayo Af qalaad ah,kama hadlayo in qofka waxbartay kasoo horjeedo hase ahaatee qofka waa in luuqada ajnabiga markay munaasab tahay keliya ku hadlo uusan iyadoo Afkeenii muga iyo muudana wanaagsanaa lagu hadlayo uu Ingiriis,Talyaani ama Carabi uu kusoo lifaaqo.

Waanada Barnaamijka uu maanta uwado waalidiinta ayaa ah waa in carruurta lagu dadaalaa,la baraa dhaqankeenii iyo Afkeena muhiimada uu uleeyahay…laga yaabee in qaarkiin aad ku aragteen iskuulaadka afka Soomaaliga in sharaxa Erayada lagu dhigo macno badana loogu sameeyo hal eray aan ku dadaalno barashada afkeena oo isagaa na anfacayee. 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here