DAAWO VIDEO: AMISOM oo lagu Eedeeyey in Fiilooyinka Korontada Jaraan

xayeysiin-32

Gaadiidka ciidanka AMISOM wataan ayaa lagu Eedeeyey inay jaraan Fiilooyinka Korontada Gudaha Magaalada Muqdisho iyadoona Arintaasi ay ka cowdeen ganacsatada iyo Maamulka Shirkada Korontada ee ka howlgasha Muqdisho.

Wadada Maka Al Mukarama ayaa la sheegay in AMISOM fiilooyinkii Korontada gooyeen taasi oo caqabad ka dhigtay shaqooyin badan oo la qaban lahaa ganacsigii halkaasi ka jiray hakad galay,sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada Maka Al mukarama xarumaha ku leh.

Sidoo kale Mas’uul u hadlay Shirkada Korontada ee BECO kana howlgasha Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw ayaa waxa uu sheegay inay Cabasho xoogan ka yihiin ciidanka AMISOM oo jaraya fiilooyinka Korontada oo dhibaato dadka kala kulmi karaan qatar nafsadooda korontada kasoo gaari karto.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL AAN KA DIYAARINAY ARINTAASI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here