Daawo: Tubeec oo Muqdisho aas qaran loogu sameeyay

Allaha u naxariistee fanaanka Maxamed Suleyman Tubeec oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho kadib markii maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde..

DSC04348

R/wasaraaha xukuumadda Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow,  Wasiirro, Xildhibaanno,  Fanaaniinta, iyo dadweyne aad u farabadan iyo ehelada marxuumka ayaa ka qeybgalay aaska.

Allaha u naxariistee meydka marxuumka ayaa lagu aasay qubuuraha Iskuul Boliisiya, kadib markii laga soo gelbiyay garoonka diyaaradaha, iyadoo salaadda   Janaasada lagula tukaday isla goobta lagu aasay.

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday uu ahaa halyeey geesi wadani ah, isagoo tacsi tiiranyo leh u diray ehelada marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

DSC04355 DSC04203 DSC04206 DSC04207 DSC04209 DSC04210 DSC04211 DSC04337 DSC04344 DSC04345 DSC04348 DSC04353

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here