Daawo sida R/wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyay Addis-Ababa

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray caasimadda waddanka Itoobiya, ee Addis Ababa halkaasoo uu uga qeybgali doono shir degdeg ah oo ay lee yihiin madaxda IGAD oo looga hadlaayo Colaadda ka jirta Suudaanta Koonfureed.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa.

Shirkan waxaa markii horre lagu waday in uu ka qeybgalo madaxweyne Farmaajo balse ilo xog-ogaal oo ku sugan xafiiska madaxweynaha ayaa laga soo xigtay madaxweynaha inuusan ka qeybgali doonin shirka IGAD, isagoo taas baddalkeeda hormuud u noqon doona howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo maalmaha soo socda ka billaaban doona dalka.

Waa safarkii ugu horreyay ee ra’iisal wasaare Kheyre ugu ambabaxo Itoobiya sidoo kale waa safarkii labaad oo dibadda u ambabaxo tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in laga yaabo shirka IGAD in looga hadlo mowqifka waddamada IGAD ay ka qaadanayaan khilaafka ka jira waddamada Khaliijka.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaadato xal u helida mushkilada ka taagan dalka Suudaanta Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here