Daawo: Shiikh Shariif oo sameeyay Ballanqaadyo Dhowr ah hadii dib loo doorto

dsc_0620Xaflad Qado ahayd oo shalay ka dhacday Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, ayaa madaxweynihii hore Doowladii KMG Shiikh Shariif, waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax markale u taagan inuu dalka Hogaamiyo.

Sheekh Shariif ayaa munaasabada ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu ku sheegay in sababaha uu isku soo sharaxay ay tahay dad badan oo Soomaaliyeed inay ka dalbadeen inuu u istaago xilka Madaxweynaha, isagoo xusay inuu heysto khibrad iyo waaya aragnimo.

Khudbada Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka muuqatay degenaan, iyadoo ka duwaneyd khudbadaha musharaxiinta kale oo hadaladooda u badnaa dacaayado iyo eedeyn dowladda hada jirta, waxaana uu ku dheeraaday waxyaabihii horay loo soo qabtay, halkii laga yimid iyo halka loo socdo.

dsc_0976

“Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa mar walba iga dalbanayay inaan u istaago xilka hoggaanka Qaranka, waxaa aaminsanahay in aan ahay Musharax ku haboon marxaladan maanta la joogo, sababta wax kale ma ahan waa khibradii aan ka dhaxlay la shaqeyntiina, anigoo aaminsan khibrad ku filan ruuxa laga rabo inuu qabto hoggaanka qaranka inaan leeyahay marxaladan la joogo”ayuu yiri Musharax Sheekh Shariif oo intaa ku daray in waqtigii uu siyaasada ka maqnaa uu soo fahmay dowladnimada, isla markaana uu cashar ka soo bartay qaladaadkii hore, isla markaana uu hada yahay nin yaqaana dowladnimada.

Mar uu ka hadlayay barnaamijkiisa siyaasadeed hadii loo doorto xilka Madaxweynaha ayuu sheegay in muhiimada ugu weyn siinayo ammaanka oo uu xusay inuu u leeyahay muhiimad gaar aheyd, hadii amni la helana ay soo laabaneyso noloshii dadka, isla markaana kor u kaceyso waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee aas aasiga ah.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay afartii sano ee uu ka maqnaa masraxa siyaasada ayuu sheegay inuu ujeedkiisa ahaa inuu fursad siiyo dowladda, isla markaana shaqadii uu soo qabtay in si wanaagsan loo ilaaliyo, kana ilaaliyo qaladka.

dsc_1027“Waxaa laga yaabaa inaa is weydiistaan afar sano waa iska maqneyd, hada ayaa yimid xil ayaa raadineysaa, sababta waxay aheyd ujeedada inaan fursad siiyo dowladda, waxaa la yiraahdaa aabaha iyo hooyada adduunka waxay u jecel yihiin ubadka, qofka madaxda ah shaqadii uu soo qabtay wuxuu jecel yahay in si wanaagsna loo ilaaliyo oo qaladka laga ilalaiyo, ilaalinta aan ilaalinayo ayay aheyd ee wax kale ma aheyn, maadaama xilli doorasho la soo gaaray sidaas ayay waqtigan ku soo aaday, maadaama dowladda ay tiri doorasho ayaa la qabanaa sidaas ayaa u imid”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in hadii xilka loo doorto uu la imaanayo qorshe iyo istiraatiijiyad cusub oo wax looga qabanayo cadawga, iyo la dagaalanka Alshabaab iyo Al-Qaacida, isagoo tilmaamay in ciidamada qalabka sida oo la dhiso ay tahay muhiim, si ay awood uga yeeshaan ka hortagida cadawga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here