Daawo Sawiro Naxtin Badan Wiil Dhalinyaro ah oo Miino ku Aasaayey Baydhabo Kadibna La Toogtay

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa shalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa ay ku toogteen Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu xaafad kamid ah Magaaladaasi ku aasayay miino.

Ciidamada ayaa markii hore gacanta ku dhigay wiilka kadibna way toogteen iyaga oo xabadka u saaray remote-ka uu qarxin rabay miinadii uu aasaayey.

Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan xaafadii uu Miinada ku aasayay Wiilkan ayaa ku wargaliyay Ciidamada Dowlada oo halkaasi deg deg kusoo gaaray noloshana ku qabtay wiilkaasi wallow markii dambe ay halkaasi ku toogteen.

Meydka Wiilkaasi oo ilaa xiligan yaala halkii lagu dilay ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Dowlada caloosha u saareen Miinadii uu watay iyo Rumuudkii uu doonayay in uu ku qarxiyo Miinadaasi waxyeelana uu ku geestyo.

Saraakiisha amniga Baydhabo ayaa dilka wiilkaan ku sheegay in talaabo muhiim ah oo laga gaaray amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here