Daawo Sawiro ka tarjumaya Horumarka Muqdisho haatan kajira

Labadii sano ee ugu danbeysay, gaar ahaan sidii Al-shabaab looga saaray magaalada Muqdisho, waxaa isa soo tarayay horumar dhan walbo ah, sida dib u shiska goobihii dagaalada ku bur buray, iyo guryo Cusub, Hoteelo, goobo ganacsi iyo goobo waxbarasho intaba.

Waxaa magaalada haatan si xoogan uga socda dhismaha guryaha Cusub iyo Hoteelo loo dhisayo qaab casri ah, sidoo kale waxaa magaalada kusoo kordhay dhismaha goobo ganacsi iyo Carwooyin waa weyn oo lagu iibiyo dhamaan waxyaabaha ay u baahanyihiin bulshada ku dhaqan muqdisho.

Sidoo kale waxaa dib loo hagaajiyay oo dayactir lagu sameeyay dhamaan goobihii kaalmaha shidaalka ee ay gaadiidka ka qaataan shidaalka, taasoo muujineysa in si tartiib tartiib ah ay Muqdisho usoo laabaneyso kuna soo laabaneyso sidii ay waayo waayo ahaan jirtay.

Aqristayaasheena sharafta lahoow sidaad nooga barateenba waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa Sawiradii ugu danbeeyay ee aan idinkaga soo qaadnay horumarka magaalada Muqdisho haatan kajira.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. mashalaah ilaahoow noo siyaadi oo nabada noo adkee oo dadka yaga xaqa tus oo dalkooda jeclaysii ilaahow dalkoo nabada ilahow dadkoo nabada aaaaaaaaamiiiiiiiiiiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here