Daawo sawirada dib u dhis lagu sameeyey taaladi KM-0

Taaladi KM-0 ee magaalada Muqdisho oo aad ugu bur buray dagaaladi cuslaa ee Al Shabaab iyo dowlada ayaa dib loo hagaajiyey.

Taaladaan oo caan ku ah KM-0 ayaa ku taalo inta u dhaxeyso Baar Fiat, Ajabki Orayantaaliyo, Wadada Hotel Jubba iyo Wadada Habar Qadijo ayaa gabi ahaan dhulka gashay.

Waxaa aafeeyey dagaaladi Al Shabaab iyo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku dhex maray waqooyiga Muqdisho ee bilowday sanadki 2009 isla markaana soo gaba gaboobay bishi August ee sanadki 20011.

Hada waxaa dib u dayactiray maamulka gobolka Banaadir, iyadoona wali howshaasi ay ku socoto.

Waxaa lagu wareejiyey biro yar yar waxaana dhinacyada loogaga qoray magaca maamulka gobolka Banaadir, sidoo kalana waxaa haatan lagu talaalayaa dhir iyo geedo ubax ah.

Hadaba waxaa goobta booqday goobtaasi wariyaha Midnmo.com Sami Cadow oo soo qaadya sawiranaa ee nala daawada.





Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.