Daawo Sawirada Shirka Jaamacada Carabta oo Maanta Doxa ka furmay

Waxaa maanta dalka Qatar Caasimadiisa Doxa ka furmay shirka madaxda Jaamacada Carbta, Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa furay Amiirka dalka Qadar.

Amiirka dalka Qadar Sheekh Hamad Bin Khalifah Al Thani waxa uuna sheegay in xaaladda dalka Soomaaliya ay mareyso meel wanaagsan isagoo tilmaamay in dowladda Qadar ay ka go’antahay taageerida dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa horumarinta wadamada Carabta, gaar ahaan xaalada ka jirta Magaalada Barakeysan ee Qudus (Jerusalem) ee dhulka Falastiin oo hada Isra’iil dhulbalaarsi baaxadleh ka wado iyo xaalada ka jirta dalka Siiriya.

Shirkan ayaa waxaa markii ugu horeysay laga casumay hogaanka Mucaaridka dalka Siiriya oo iyagu noqon doona kuwa mateli doona dalkooda, waana markii ugu horeysay oo uu dal Carab ah matalaan xoogaga Mucaaridka ee aan weli la wareegin awooda dalkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com