Daawo Sawirada R/wasaare Saacid oo si weyn loogu soo dhaweeyay Burundi

R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cadi FaaraxShirdoon Saacid, iyo wafdi uu hogaaminayo oo saakay ka amba baxay magaalada Kampala, ee dalka Uganda ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Bujumbura ee xaruunta dalka Burundi.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi iyo xubno la taliyeyaal ah ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dalka Burundi Gervais Rufyikiri, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo xildhibaano waxaana garoonka salaan ku siiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi.

Ra’iisal Wasaaraha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaaray garoonka ayaa sheegay in booqashadan ay qeyb ka tahay booqasho uu ku soo maray dalalka ay ciidamada nabad illaalinta ah ka joogaan Soomaaliya, sida Jabuuti, Itoobiya, Yugandha, isaga oo xusay in dalka Burundi oo isna qeyb muhiim ah ka ah ciidanka AMISOM uu kala hadli doono arrimo ku aadan xiriirka labada wadan iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo horumarka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la filayaa in socdaalkiisa uu ku soo gabagabeeyo dalka Burundi, isagoo soo maray dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here