Daawo sawirada qaraxi Tiyaatarka Muqdisho

Dhowr ruux oo ay ku jiraan madaxdi Guiyada Olombikada iyo Xiriirka kubada cakta Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Meydkan la wado waa Gudoomiyaya Xiriikada Kubada Cakta Soomaaliya Said Mohamed Nur, waxa xarunta tiyaatarka kasoo saaraya ciidanka booliska, isaga iyo Gudoomiyaha Olombikada Soomaaliya Aden Yabarow Wiish, waxay ka mid ahaayeen dadki lagu casuumay sanadguuradi koowaad ee dib u aas aasiada TV-ga qaranka Soomaaliya.

Dadka rayidka ah iyo booliska ayaa si wada jir ah uga shaqeeyey daad gureynta dhaawacyada iyo dadka dhintay gudaha Tiyaatarka, Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali ayaa goob joog ka ahaa marki uu qaraxa dhacayey, isaga iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa wey ka badbaadeen.

Al-Shabab oo wali maamusho qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa sheegtay mas,uuliyada qaraxa, waxa dhawaan laga saaray Muqdisho.

Mogadishu waxay ka nasatay madaafiicdi iyo dagaaladi tan iyo marki ay ka baxeen Al Shabaab bishi August, hase yeeshee Shabaab waxay bilaabeen qaraxyo iyo bambooyin oo gudaha caasimada ah.

Tiyaatarka Qaranka waxaa la xiray sanadki 1991-ki kadib marki ay meeshaka baxday dowladi hore, waxaa dib loo furay bishi hore xilli dadka Soomaaliyeed ay rajo ka qabaan in ay dib u helaan nabad iyo xasilooni.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.