Hoggaamiyaha kuuriyada Waqooyi, ayaa ku dhawaaqay weerrar ka dhan ah dowladda Maraykanka, kaddib markii la arkay isagoo dhex taagan xarun ciidan oo ku taalla dalkiisa.
Warbaahinta dalka Kuuriyada waqooyi, ayaa Jimcaha maanta sii deysay sawirro Kim Jong Un uu dhextaagan xarunta dhexe ee Millatariga, waxaana uu armay in weerrar lagu qaado dhulka Maraykanka.

Wuxuu kulan la qaatay saraakiisha sare ee ciidamada, wuxuuna kala hadlay in ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah dowladda Maraykanka.
Sida ku cad shax laga helay kulanka dhexmaray madaxweyne Kim Jong Un iyo saraakiisha ciidamada dalkiisa, waxaa la sheegay in hubka la adeegsanaayo oo ah kuwa cusub, oo casri ah in ay gaarayaan meelo fog-fog sida:- New York News, Hawaii, Washington DC, Los Angeles, Austin, Texas, California, Arizona, New Mexico, Texas, Oklahoma, Arkansas, Mississippi, Alabama, Georgia iyo South Carolina.

Hadalka Kim Jong Un, ayaa yimid kaddib markii labo ka mid diyaaradaha wax Bambeeyay uu Maraykanka u soo diray Kuuriyda Koondureed, kuwaasoo durba billaabay dhoola tus millatari oo ka dhan kuuriyda waqooyi.

Xukuumadda Pyongyang, dhawaan waxa ay ka carootay, cunaqabateen la saaray, bishii February markaas oo ay tijaabisay gantaalkii seddaxaad.

Si kastaba, Narushige Michishita, oo maamule ka ah barnaamij qaabilsan ammaanka oo ku yaalla Japan, ayaa sheegay in dowladda waqooyiga kuuriya ay ka dhabeen karto weerrar ay ku qaado dalka Maraykanka gaar ahaan gobalada Guam, Hawaii ama meel kale oo ah dhulka Maraykanka.

Wuxuu sheegay in dowladda Kuuriyda waqooyi ay heesato gantaal gaaraya fogaan 800 miles (1,300 kilometers), kuwaasoo gaaraya dalka Maraykanka.
Wakaalada wararka dalkaas KCNA ayaa soo warisay in Kim Jong Un uu saxiixay in la weerraro dhulka Maraykanka haddii diyaarad ay lee dahay Maraykanka soo gasho hawadda dalkiisa.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Shabakadda Midnimo.com
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com