Daawo Sawirada: Madaxweynaha Xasan Shiikha oo kulamo La Qaatay Safiirada Wadamada Yurub

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikha Maxamuud ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay Safiiro ka socday Wadamada Yurub.

Kulankan oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho aya waxa uu ahaa mid uu Warbixin ku siinayay Safiiradan Dowladddiisa cusub.

Kulanka oo ay Saxaafadda dibad joog ka ahaayeen ayaa markii uu soo Gabagaboobay ayaa waxaa Saxaafadda ugu Warbixiyay Agaasimadda Warfaafinta ee Aqalka Madaxtooyada Filla Soomaaliya Suldaan Axmed Faarax waxaana uu sheegay in Madaxweynaha Warbixan uu siiyaay Safiiradan ka socday Misowga Yurub .

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu kaga Warbixyay Safiiradaan qorshihiisa ku aadan hogaaminta Dalka Soomaaliya in uu ahmiyadda Kowaad uu siinayo dhanka Ammaanka Dalka

Waa Markii ugu horeysay oo Tan iyo Bur burkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya wafdi ka kala socda wadamada Intaa la eg uu soo gaaro Magaalada Muqdisho iyagoo Balan qaaday in ay Si wada jir ah ula shaqey doonaan Dowladda Soomaaliya .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here