Daawo sawirada madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhoweeyay Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay si diiran oo weyn waxaa loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa.

Booqashada madaxweynaha ee Addis ayaa ah tii ugu horeesay ee uu halkaas ku tago madaxweynaha tan iyo markii xilkaan loo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa markii uu Addis gaaray waxa uu kulan laqaatay RW dalkaas Desalegn, labada masuul ayaa kawada hadlay arimo badan oo muhiim ah , sida ciidamada Ethiopia ee kusugan gudaha Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.

RW Desalegn ayaa madaxweynaha Soomaaliya ubalanqaaday in dalkiisa uu gacan ka gaysan doono dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, sidokale waxa uu balanqaaday inuu quburo dhanka beeraha uu usoo diri doono Soomaaliya kuwaasoo gacan ka gaysan doono wax soo saarka beeraha Soomaaliya.

Daawo sawirada sida madaxweynaha Soomaaliya loogu soo dhoweeyay ADDIS ABABA:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here