Daawo Sawirada isbadal dhan walbo ah oo Muqdisho laga dareemayo

Kadib 22-sano oo ay magaalada Muqdisho kusoo jirtay dagaalo Sokeeye iyo mid diineedba, hada waxay magaalada u muuqataa mid kasoo kabaneeysa diiftii iyo Colaadihii ay dagaaladu ku reebeen.

Magaalada Muqdisho, ayaa waa ahaan jirtay mid kamid ah magaalooyinka ugu qurxan uguna bilicda wanaagsan magaalooyinka Afrika, waxaa lawada Xasuustaa in 1974 magaalada ay marti galisay shirkii gollaha midowga Afrika.

Waxaa si aan caadi ahayn isu soo taraya dhismooyinka Cusub ee magaalada kusoo kordhaya, dhismayaashaas ayaa isugu jira kuwo ganacsi, iyo Hotelo.

Dhismooyinka Xoogooda waxa ay kajiraan Suuqa Bakaaraha, oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya iyo geeska Afrika, Suuqa ayaa hada u muuqda mid kusii fidiya Xaafadaha dariska la ah, waxaana kajira ganacsi iyo dhaqdhaqaaq aad u xoogan.

Dhanka kale, waxaa magaalada kusoo badanaya Iskuulada wax laga barto, in kastoo Iskuuladan ay ubadanyihiin kuwo si shaqsi ah loo furtay oo bareefad ah, hadana waxaa wax kabarta Kumanaan arday oo subax walba u dareera, Sidoo kale waxaa jira Iskuulo ay fureen Turkiga si bilaash ahna ay caruur farabadan kaga faa’iideystaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here