Daawo Sawirada Hotelo laga dhisayo Xeebta Liido

Magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka billowday
dhismooyinka cusub, kuwaasoo magaalada laga dhisin 22-kii sanno ee la
soo dhaafay.

Magaalada ka sa kow, waxaa dhismo laga billaabay xeebta Liido oo iska
daa in wax laga dhiso intii dalka burburka uu ku jiray ahayd meel bahalo galeen ah oo aad looga cabsado.

Xeebta Liido oo ku taalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho,
waxaa hadda laga dhisay dhismooyin iyo hotelo waa weyn, kuwaasoo ay
tagaan dadka qurba joogta ah ee dibedda ka yimid,

Waxaa xeebta laga dhisay dhismooyin cusub, qaar hadda ayaa la wadaa
dhismahooda, waxaana xeebta ka socota dhismooyin.

Maalmaha Jimcaha iyo Khamiista waxaa yimaada dad aad u badan oo isugu
jira dhallinyaro u badan dumar iyo wiilal.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho laga furay Kaalin Shidaal oo ah
tii ugu horreeyay.

Kaalinta Shidaal oo laga furay degmada Cabdicasiis ayaa waxaa halkaas
shidaal ka qaata baabuurta dad waynaha ee ka shaqeeya magaalada
Muqdisho.

Waa kaalintii shidaal ee ugu horreeyay ee laga furo magaalada Muqdisho.a

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here