Daawo sawirada dhismooyin casri ah oo muqdisho kasoconaya

Kadib kabixitaankii ay Al-shabaab isaga baxeen magaalada Muqdisho sanad kahor,ayaa waxaa magaalada kabilaawday dhismooyin cusub oo casri ah,kuwaasoo ay dhisanayaan maalqabeenada kunool magaalada Muqdisho,iyo qaar kamid ah qurbo joogta.

Milkiilayaasha qaar ee dhisanaya guryaha ayaa markaad weydiiso waxa ku dhiira galiyay ineey xiligaan magaalada kadhistaan guryo iyo goobo ganacsi, waxay kuu sheegayaan in ammaanka iyo daganaashaha ay galsiay kalsooni.

Sidookale waxaa dib udhis lagu sameeyay wadooyinka muhiimka ah ee mara bartamaha magaalada sida wadada makka Al-mukarama oo lagu xiray leerar ku shaqeeya cadceeda,sidookale waxaa socda mashruuc ubaxyo iyo dhir logu beerayo hareeraha laamiga.

Muqdisho ayaa hada waxay u muuqataa mid soo ceshaneeysa maqaamkii iyo sharaftii ay lahayd beryo samaad.

Hadaba kusoo dhowaada sawiro aan idinkaga soo xulnay dhismooyinka kasoconaya magaalada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here