Daawo Sawirada Caruurtii Dhawaca ka Soo Gaaray Duqeyntii Diyaaradaha Magaalada B/dheere

Diyaaradihii dagaalka ee duqeynta u geystay degmada baar dheere ee gobola Gedo caruurtii ku wax yee lowday oo la so gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee xaruunta dalka soomaalia.

Duqayntaasi oo ahayd mid arxan darro ah waxaa ku geeriyooday hal ruux, waxa uu dhaawac kasoo gaaray saddex carruur ah oo isku qoys ah.

Diyaaradaha ayaa beegsaday guryo ay ku jiraan dadka rayid ah, halkaasi kama agdhowayn saldhigyo ay leeyihiin Al shabaab haddii la oran lahaa in bartilmaameedyo iyaga ahaa.

Mid ka mid ah waalidiinta dhashay caruurta oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho “Walalo caruurteena waxaa dhameeyay Kenya cid ka hadashay arintaas marka dowlada Soomaaliya waxaan ka codsanayaa n ey arintaas wax ka dhahdo”

Dad badan ayaa la yaaban sababta looga aamusan yahay dhibaatada ay Kenya u geysanayso carruurta Soomaaliyeed ee maalinta kasta ku dhimanaaya duqaymaha ay geystaan diyaaradaheeda dagaalka.

Sikastaba duqeyntan ka dhacday Baar dheere ayaa imaaneysa xili ey Shabaab saldhigyo ku lahaayeen balse ciidamada Kenya ayaan ka hadlin duqeyntaas ey diraadahooda geysteen halkaas.





Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here