Daawo Sawirada: Aaskii loo Sameeyay Wariyaashii ku Geeriyooday Magaaladda Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho saaka ka socota qabanqaabo loogu jiro aaska dad kor u dhaafaya 20 ruux oo isugu jira shacab iyo weriyeyaal kuwaasoo ku geeriyooday qaraxyo ismiidaamnin ah oo labo ruux oo naftood hurayaal ah ay ka fuliyeen xalay Baar ku yaala agagaarka guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Aaska loo sameynayo dadkaas geeriyooday ayaa waxaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan masuuliyin ka tirsan dowlada Somalia oo haddaba wax ka qada qaban qaabada aaska iyo diyaarinta goobaha dadkaas lagu aasayo, waxaana qaraxyadaas oo illaa hadda aysan sheegin cidna si kulul u cambaareyey qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Waxaan fariin guud u diraya Ummadda somaaliyeed iyo dowladda usub.aniga waxaan dhihi lahaa dagaalkan guud ee Gobol gobalka looma baahna.Waxaa loo baahanyahay in la soo qabto tobanka nin ee shashka ama ganbada haweynka wadata oo madaxda u ah Alshabaab waa kuwa habeen iyo maalin u dhiga BAMKA Ummadda Soomaaliyeed waxay u dagaalamaan waa lacag raadis ee ma ahan diin waa qoladii Axadda, ka immaan dhulkii diinta lagu baran jiray,labaatankii sanoo la soo dhaafayna afka waa u xiranyahay xagee deentu joogtaa waaba tuug afxiran oo meelna ka shaqeyn ummadda xoolohooda rabo in uu ku noolaado isku qariyo diin, ninkastoo waalan ku soo xira BOMB..Aniga waxaan dhihi lahaa Jaalle Madaxweyne ummadda ka aruuri Hubka ay ku heestaan Guryohooda Magaalooyinka dowlada gacanta ku heyso (dil , xabis da’in , qofkii lagu arku hub isagoo heysto mudada loo qabto ka dib).
    Waxaan tacsiya u diraya dadka Muslimiinta ah oo dadkooda Bamka loo dhigay, waxaan leeyahay soo” Aarsda “waa ogtihiin qofka sidaas idiingalay waa Madaxa Alshabaab oo idinla jooga Xamar, Kismanyo , Marka , Baraawe, Afgooye. waa tobon nin oo Shaash madax u saaranyahay oo Caan ku ah in ay dadku dilaan ku faana.
    Waxaan idiin qabtay Muddo soddon maalmood in add ku dhameysaan arintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here