Daawo: Qoys Turki ah oo korsaday Wiil Soomaaliyeed oo ay Hooyadiis…

Qoys Turki ah oo korsaday wiil soomaaliyeed
Qoys Turki ah oo korsaday wiil soomaaliyeed

Ku dhowaad 8 sanno ka hor ayaa qoys Turkish ah waxaay korsadeen wiil Soomaaliyeed.

Magaalada Istanbul Dhammaadkii Sannadka 2007 ayaa Hooyo Soomaaliyeed oo uur 8 bilood ah leh waxaa ay cabtay daawo sun ah si ay isku disho.

Hospitaal ku yaala Magaadalada Istanbul ayaa badbaadiyay ilmihii ku jiray uurka laakiin nasiib darro juhdi iyo dadaal dheer kadib waxaa u suurto geli weyday in ay badbaadiyaan hooyadaasi.

Qoys Turkish ah ayaa ka codsaday Hay’adda Badbaadada Carruurta ee Istanbul in ay helaan ilmo ay korsadaan.

Hay’adda Badbaadada Carruurta ee Istanbul waxay oggolaatay codsiga qoyskaasi Turkish-ka ah ee Emrah iyo Burcu İnce waxaa ayna siiyeen ilmahaasi Soomaaliyeed oo markaasi 7 bilood jira.

Metehan İnce hadda waa 8 Jir Waxaa uu la noolyahay Qoyskiisa soo korsaday iyo 2 Carruur oo kale oo ay haystaan..

Somalili Metihan waxaa hadda ka hor lagu xusuustaa in uu iska iibiyay kabihii qaaliga ahaa ee Basketball-ka ee uu xiranaa iyo lacag kale oo dhan 970TL markii uu ugu deeqay Bisha Cas ee Turkiga si ay ugu caawiyaan carruurta u baahan ee Soomaaliya ku nool.

Metehan waa wiil Soomaaliyeed oo mustaqbal leh, Wuxuuna aad u jecel yahay Soomaaliya iyo Soomaalida,

Wakhtigan wuxuu cayaaraa Basketball, waxaa uuna ku jiraa kulliyad lagu barto Basketball-ka oo uu leeyahay laacibka caanka ah ee reer Turkey Hidayet Türkoğlu.

Qoys Turki ah oo korsaday wiil soomaaliyeed
Qoys Turki ah oo korsaday wiil soomaaliyeed

945858_1109696592398172_2537824954843753488_n 1375829_1109696525731512_3910776713442582981_n 12508814_1109696269064871_3524437800426989883_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here