DAAWO: Orodyahanka Mo Faarax oo sarajooga ka dhacay

MO Faarax oo galay xaalad deg deg ah
MO Faarax oo galay xaalad deg deg ah

Oradyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Faarax, una orda dalka Britain, ayaa sarajooga ka dhacay isagoo ka qaybgalaya tartanka oradkaMaaratoonka ee ka socda magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Cayaaryahanka ayaa la sheegay in uu galay xaalad deg deg ah, inkastoo uu dib u soo naaxay dhorw daqiiqado kaddib, sidda ay qoreen jaraa’idka ka soo baxa New York.

Mo Faarax oo 30-jir ah ayaa dhulka ku dhacay xilli uu kaalinta labaad ka galay tartankaas.

MO Farah, ayaa miir daboolnaa qiyaastii muddo dhan 3 daqiiqo, walow uu dib u soo naaxay, xilli la sheegay inaan la siin wax daawooyin ah.

MO Farah, ayaa Warbaahinta u sheegay in uu noqday sida nin ay hurdo heyso oo kale, isla-markaana uu isku deyay in uu kaco, hase yeeshee uu dhulku ku dhacay.

Orodyanka MO, ayaa sidoo kale sheegay in ay xaaladiisu caafimaadeed aad u wanaagsan tahay, isla-markaana aanu jirin wax xanuun ah oo uu xilligaan dareemaayo.

Waxa keenay in uu istaago ka dhaco xidigaan, ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo uu Magaalada New York soo gaaray, xilli uu qaboob ka jiro, 2-dii bilood ee la soo dhaafayna uu joogay dalka Kenya, oo kuleel uu ka jiray.

Cayaaryahanka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u fiican tahay oo aaney wax isbitaan ah la dhigin isagoona intaas ku daray in maalinta Talaadada uu u safri doono dalka Kenya oo uu tababbar ku qaadanayay.

MO

MO3

 

MO5

mo-farah-collapses-nyc-marathon

article-2582066-1C56E4EC00000578-814_634x428

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here