Daawo: NISA oo fashilisay weerar Al-shabaab la damacsaneed CID-da

SayidHay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa ka hortegay weerar argagixiso oo lala damacsanaa in lagu qaado xarunta hoggaanka danbi baarista ee Booliska “CID” ee ku taal agagaarka isgoyska Km4.

Nabadsugida ayaa soo bandhigtay muuqaalka wiil dhalinyaro ah oo lagu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii fulin rabay weerarkaasi oo loo adeegsan rabay gaari waxyaabaha qarxa laga soo bixiyay in lagu dhufto albaabka laga galo, kadib ay gudaha u galaan dagaalyahano loo soo tababaray arintaasi.

Wiilkaan ay soo bandhigtay Nabadsugida oo magaciisa lagu sheegay Sayid Cali, ayaa soo bandhigay naqshad uu gacantiisa ku sameeyay, isagoo indha indheyn ku sameeyay xarunta CID.

Xarunta dambi baarista ee CID ayaa 17 feb. 2012 waxaa lagu qaaday weerar xooggan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah, halkaasii dad u badnaa shacab ay ku dhinteen.

Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan xarumaha dowladda iyo hoteelada Muqdisho ayaa waxaa intooda badan loo adeegsadaa qaraxyo kadibna waxaa gala kooxo hubeysan oo u diyaarsan dhimasho iyo geeri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here