Daawo muuqaalada Srael oo wali wada duqeymaha Gaza

Diyaaradaha dagaalka Srael ayaa wali waxay duqeeymo ba’an ku hayaan qaybo badan oo kamid ah marinka Gaza.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay dhowr gantaal ladhaceen guriga hogaamiyaha Xamaas ee ismaaciil Haniya qaasatan qaybta Korontada.

Sadex qof ayaa geeriyootay oo uu kujiro canug 10-sano jir ah, markii ay diyaaradaha Srael duqeeyeen guri ku yaala magaalada Qaan Yuunis ee waqooyiga Gaza, duqeyntan ayaa waxay dhacday saakay aroortii.

Wariyayaasha BBC-da eek u sugan marinka Gaza ayaa soo sheegaya in dhaawaca saakay kaliya uu marayo ilaa 10 ruux oo ay kujiraan caruur aad u yaryar.

War Srael kasoo baxay ayaa lagu sheegay in beegsashada guriga Ismaacil Haniya ay fariin utahay in Srael ay awoodo ineey isaga si shaqsi ahaan u beegsato.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta caalamiga usheegay in guriga Ismaaciil Haniya uu ka kacay dab aad u xoogan iyo holac kadib markii ay gantaal ku dhufatay mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Srael.

Duqeymahan Srael ayaa waxay imaanayaan akdib markii garabka Xamaas ee Saraayaa Qudus ay dhowr Gantaal ku rideen dhanka Srael, kuwaasoo ku dhacay xeebta YAAFA ee bartamaha magaalada Tal-abiib.

Gantaalo dhowr ah oo jawaab ah oo laga soo tuuray Gaza laguna ganay Israel ayaa mid ka mid ahi uu ku dhacay dhismo la dagan yahay waxa uuna ku dilay sedex qof oo Israeli ah, iyadoo taasi ay tirada dhimashada ee labada dhinac ka dhigayso 15.

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in gantaaladu ay ku dhaceen badda. Kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiintuna war qoraala oo ay soo saareen waxa ay ku sheegteen masuuliyada gantaalaha, iyagoo sheegay inay soo ganeen gantaalo lagu farsameeyey wadanka Iraan.

Dhanka kale Srael ayaa uyeeratay Askarteeda ugu jirta, markii kuwii hore waxbo ay tari waayeen, waxay iska celin karin Xamaas oo cadaadis ballaaran uu saaray caalamka

Mareeykanka oo Masar ka dalbaday ineey isku dayaan joojinta xiisada Srael Iyo Xamaas:

War kasoo baxay wasaarada arimaha dibada mareeykanka ayaa lagu sheegay in xoghayaha arimaha dibada Hilary Clinton ay dhigeeda Masar maxamed Kaamil kula xiriirtay qadka taleefanka, iyadoona kadalbatay in masar ay ku dadaasho sidii lo joojin lahaa dagaalka.

Afhayeen uhadlay xukuumada Masar ayaa sheegay in RW Masar Hishaam Qandiil uu jimcaha boqoan doono marinka Gaza, booqashadan ayaa qaadan doonta hal maalin, Masar ayaa sheegtay in booqashadaan ay micnaheedu tahay in la taageero shacabka dhibaateeysan ee reer Falastiin.

Wasiirka difaaca Srael Ihud Brack ayaa sheegay Khamiistii in dagaalyahanada Falastiin ay qarash fara badan ku bixiyeen sidii ay gantaalo ugu soo ridi lahaayeen dhanka caasimada Srael ee Tal-abiib, waxa uuna sheegay in taas ay keeneeyso in Srael ay laba jibaarto weerarka ay ku hayso Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here