DAAWO MUUQAAL: Damiiin 40 Jir ah keen ama Afar Darbi oo Xabsi ah!

Alpha-group-601x250

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay ku dadaaleysaa in Amaanka ay xaqiijiso waxaana ay koontaroolada magaalada laga soo galo ay dhigtay ciidan hubeysan kuwaasi oo dadka udiidaya inay damiin la’aan Magaalada soo galaan.

2-dii bishaan Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cusmaan waxa uu sheegay in hadda kadib ay dhamaatay in la iska soo galo Magaalada Xamar qofkii ka hooseeya da’da 40 jirkana laga rabo qof damiin ka ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay Maxamed Yuusuf inay muhiim tahay in qofka uu iska hubiyo Saaxiibkiis waxa uu qabto si uu hadhow dambe ugu kadsoomin shaqo uusan ku ogeyn uu qabanayey oo laga yaabo inay Saameyso Amnigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlayey Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Calanka waxa uu soo hadal qaaday Koontaroolada dadka lagu celinayo ee Magaalada Muqdisho soo galaya.

Xasan Shiikh ayaa Shacabka waxa uu ka codsaday inaysan dhib u arkin hadii Koontaroolada Carruurtooda lagu celiyo taasina ay ku jirto Amnigooda sida uu hadalka u yiri Madaxweynaha.

Tusaale Qofka markii uu ka imaanayo Jowhar ama Balcad waxa uu soo marayaa Xerada Maslax oo ciidanka Nabad Sugidu ay fariisin ka dhigteen kuwaasi oo dadka weydiinaya inay sheegaan qof damiin ka ah sidaana magaalada uu soo galayo waa hadii uu 40 jir da’diisu ka yar tahay.

Ama Damiiin Afartan Jir ah keen ama Afar Darbi oo Xabsi ah ayaa laguu taxaabayaa!

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXIN AAN IDIIN DIYAARINAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here