Daawo: Muungaab oo Labo Xaflad Xariga ka jaray

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muunaab” oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan degmada C/casiis ayaa maanta si wada jir ah xariga uga jaray xarun caafimaad iyo waddo dhex martay degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Guddoomiye Muugaab iyo xubnihii la socday markii uu gareen degmada C/casiis waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay qeybaha bulshada iyo maamulka Degmada, waxaana intaas kaddib guddoomiyuhu socod ku maray qeybo ka mid ah degmada C/casiis oo ay ka socdeen mashaariic horumrineed oo ay ugu horeyso dib u dhiska waddooyinka iyo dhismaha xarunta danta guud ee loogu adeegayo bulshada.

Guddoomiyaha Degmada C/casiis Cismaan Muxudiin Cali Cariif oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in mashaariicda lagu dhisay waddada iyo xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada uu yahay mid ay gacan ka geysteen maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka benaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo isna madasha ka hadlay ayaa maamulka degmada uga mahadceliyay dadaalka ay u galeen dib u dhiska xarumaha danta guud, isagoo shacabka ka codsaday inay xoojiyaan dar dargelinta ololaha nadaafada ee dib loogu soo celinayo bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho.

Higelinta mashaariicda horumarineed ee lagu dhisayo xarumaha loogu adeegayo bulshada ayaa qeyb ka ah horumarka uu ku talaabsanayo dalka, gaar ahaan tan caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here