Daawo: Muqdisho Mall oo daaha laga qaaday

Mogadishu mallSuuqan oo magaciisu yahay Muqdisho Mall ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashaday ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna kooban yahay qeybo kala duwan oo ganacsi u badan. Muqdisho Mall oo laga furay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka faa’iideysan doona ganacsato badan, kuwaasi oo loo suurtageliyay meel ay si nabadgelyo ah ugu ganacsan karaan.

Muqdisho Mall ayaa dhanka kale, wuxuu dadka ku nool magaalada Muqdisho tusayaa sawir ah in dalka dib loo dhisi karo haddii nabadgelyadiisa laga wada shaqeeyo, sidoo kalena loo abuuri karo adeegyo kale oo laga helo dalalka aaney colaadaha iyo nabadgelyo la’aanta ka jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here