Daawo: Madaxweyne Erdogan oo wiil dhalinyaro ah ka badbaadiyay inuu is dilo

Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan, ayaa shalay salaadii Khudbada kadib will dhalinyaro ah ka badbaadiyay inuu naftiisa gooyo, kadib markii uu wiilkaan damcay inuu iska tuuro Buundada Bosphorus ee magaalada Stanbul.

Wakaalada wararka u faafisa Turkiga ee “Anadolia”, ayaa faafisay in Madaxweyne Erdogan oo xiligaas marayay Buundada uu la kulmay dhacdada wiilkan dhalinyarada ah ee doonayay inuu isdilo.

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Erdogan, ayaa intaas kadib usoo degtay ninkaan si ay uga dhaadhiciyaan inuusan istuurin, waxayna arintaas qaadatay ilaa 30 daqiiqo, ilaa markii dambe uu Madaxweyne Erdogan Daaqada Baabuurkii uu saarnaa furo una gacan haatiyo wiilka dhalinyarada ah.

2015122663586690288563654128729678

Sarkaal u hadlay Booliska ayaa sheegay in mudo 2 saacadood ah ay ku dhibtoonayeen, in wiilkaan ay ka dhaadhiciyaan inuusan iska tuurin buundada kahor intii uusan u imaan Madaxweyne Erdoan.

Wiilkan dhalinyarada ayaa sheegay inuu in mudo ah la dhibtoonayay dhibaato dhanka Familiga ah, sidaasna u go’aansaday inuu is dilo oo uu buundada iska tuuro.

Halkaan ka daawo Muuqaalka:

 

2 COMMENTS

  1. Gabdhihii Soomaliyeed ee Muslinimadda & caqiido toosan oo aduun & aakhirana ba anfaceyeso Alle ku manaysat… maanta Xaaladoodu waa taas.. waxa ay u Heesanaayaan wax ay ku sheegeen ciise masiixi…. yaaa ka masuul ah caruurtaasi ku korey qurbaha ee Diin,dhaqan & aakhiro-ba doorsaday in yar oo aduun ah.. Allow inoo dambi dhaaf oo umadeena fahamsii caqiiqadda saxda ee Islaamka.

    gabdhihii Soomaliyeed xaalkoodu waa sidaas.. hooyooyinkiina ka daran. In yar oo Alle u naxariistey maahane.

    SOOMAALIYEEY FADHIGA KA KACA EE HA LOO ISTAAGO BAD BAADINTA JIILKA DAMBE & MUSTAQBALKA DHALINYARADDA Umadda Soomaliyeed.

    Daawo clipka hoose :-

    http://m.youtube.com/watch?v=QBZOkHyBw8I

    Daawo clipka hoose :-

    http://m.youtube.com/watch?v=MnPFjI6M2HQ

    Arimahaan & kuwo kale OO ka Fool xunba Shacabka Soomaaliyeed wey sugayaan haddii aan la is daba qaban. ALLOW KUU MAGAN OO INAGA KORI FIDNIADDA ADUUN ( DIIN LA’AANTA ) & CADAANKA AAKHIRO.

  2. Masha allah – waa dhacdo aad cajiib u ah oo muujineysa Qiimaha & jaceylka sida lama filaanka ah uga imaan karo markii la helo Madax daacad u ah shacabkoodda.

    Erdogan waa Halyeey u soo baxay shacabka turkiga & guud ahaan umadaha muslimka ah oo dhan. Cimrigiisa alle wa Raajiyo.(siyaasiyo)..aamiin

    Dhacdadaan & kuwa lamidka ahba waxay tusaale u tahay, looona baahan yahay iney si dhab ah u garab istaagan, caawiyaanaha shacabka ay masuulka ka yihiin gudaha & dibadd ba.

    Madaxda Dalalka Afrika & asia muwaadiniintooda si beni aadaninimadda ayay ula kulmaan tacadiyo & faquuq ka dhan ah Dadnimadooda & diintooda.. falalka ku saleysan naceybka jinsi waa mid joogto u noqdey Umadda soomaaliyeed ee ku nool..Qaaradaha America & europe.

    Tusaale wacyi inoogu filan. Soomalidda sida Qaldan ee lama filaanka ah ugu hijrooota dalalka aan Islamka ahayn, waxay la kulmaan dhacdooyin xanuun badan oo ka qabsadda Xagga sharciga,fahamka nolosha & luuqadda iyo & durid joogto ah oo ka dhan ah caqiiqdadooda iyo Diintooda.

    WELI MA LA WAYSAN YAHAY MADAX U GURMATA shacabka SOOMAALIDDA ah & DHASHA DAADSAN DAAFAHA CALAMKA ( YURUB & MAREYKANka). DADKAASI AAN INTOODA BADAN FAHAMSANAYN DAGAALKA KA DHANKA DIINTOODA & CAQIQDADOODA & IN UMADD AHAAN LAGA TIR TIRO DIINTA ISLAAMKA….

    SOMAALIDDA yurub MAGANGELYADDA U DOONTAY haba u badnaadaane ( sweden,uk,norway,netherland,danimark,switzerland & france ), shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaan…WAXAA LA AQBAL SIIYAY OO wax CAADI AH U NOQOTEY IN KANIISADAHA ay u noqdaan goobo kulan..ama bar dowladda dadka socdo & qaxootiga magan galyo doonka ah..waxaa lagu balamiyaa keniisadda dhexdeeda.. (church drop in session ). Waxaa laga dhaa dhiciyey waxaa la idinka caawinayaa xagga guryaha,waxbarashadda & cfimaadka. Mana aha dad leh dooq ( choice ). Oo waaa ku qasaban yihiin. Mana dhihi karaan meesha aad nagu balamiseen waa goob diimeed ee haddii caawimaadda & garabqabashadda Daacadnimo ku jirto Xafiis nagu balamiya.

    Alle ha caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhaqan & diin ba ku doortey Aduunyo.

    Dowladda soomaaliya waxaan ka codsaneynaa iney u magacowdo safiiro & wakiilo ogaadda Xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin muwaadiniinta soomaalidda ah ee ku daca dareysan Qaaraddaha yurup & ameerica…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here