Daawo: Kooxo qarxin rabay masjidka Xaramka oo laga hor tagay

Masuul u hadlay wasaarada Amniga Boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Mansuur Turki, ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay kahor tageen kooxo doonayay ineey isku qarxiyaan Masjidka Barakaysan ee Xaramka.

Kooxdan oo ka koobnaa 3 ruux ayaa kala daganaa magaalooyinka Jiddah iyo Maka almukarama, wuxuuna ujeedkoodu ahaa ineey isku dhex qarxiyaan masjidka Xaramka.

Mid kamid ah Raggan ayaa is qarxiyay markii uu diiday inuu isku dhiibo ciidamada amniga, kuwaasoo hareereeyay Gurigii uu ku sugnaa.

Ugu dambeynti ciidamada amniga Sacuudiga ayaa falkaan u qabtay 5 ruux oo mid kamid ah ay Haweeneey tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here