Daawo: Kooxo Hubeysan oo Wiil Soomaaliyeed ku dilay Mareeykanka

restaurant-attackMagaalada Columbus ee dalka Mareykanka kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday labo Wiil oo Somaliyed , kuwaas oo la sheegay in ay muddo dheer ay ku noolaayeen dalka Mareykanka.

Mid ka mid ah Somalida ku nool Columbous ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in mid ka mid ah dhalinyarada uu dhaawac culus soo gaaray , halka midka kalena uu geeriyooday.

Magacyada labada Wiil ayaa lagu kala sheegay Maxamed Cali oo dhaawac ah iyo sidoo kale Qaasim Maxamed oo geeriyooday.

Hogaanka Ciidanka Booliska Magaalada Columbous ayaa sheegay in aysan garaneynayn sababta loo weeraray dhalinyarada Somaliyed , laakiin ay wadaan baaritaano ku aadan sababta keentay in la weeraro dhalinyarada Somaliyed.

Somalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xoogan tan iyo markii Madaxweynaha cusub ee Mareykanka loo doortay Donald Trump, waxaana jira cabsi ay ka qabaan in ay weeraraan dadka neceb Somalida ee ku nool dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here