Daawo Jowhar oo u diyaar garowday marti gelinta shirka..

Magaalada Jowhar
Magaalada Jowhar

Iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin halka lagu qaban doono, ayaa hadana maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu diyaar garow xoogan ugu jiraa marti gelinta shirka maamul u samaynta Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Maamulka Jowhar ayaa diyaariyay Xarun loogu tala galay in lagu qabto shirka maamul u sameynta iyo guryo la dejinayo martida iyo wafuuda ayaa lagu diyaariyay magaalada, iyadoo diyaar garowgan uu yahay mid si xowli ah u socda.

Hoolkan Shirarka loogu tala galay ayaa markiiba waxaa uu qaadaa ku dhowaad labo kun oo ruux, waana howl aad u ballaaran oo wali diyaarintiisu socoto, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la qalabeeyo.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa sheegay in shacabka Jowhar ay u diyaar garoobeen soo dhoweynta martida imaaneysa magaalada, isagoo xusay in magaalada ay horay caan ugu aheyd marti-soorka wafuuda, isla markaana sanadkii 2005-tii marti gelisay dowladdii KMG aheyd.

IMG_2395 IMG_2398 IMG_2408 IMG_2409 IMG_2412 IMG_2415

1 COMMENT

  1. Jowhar = Masha Allah

    Magalada Jowhar waxaa ka muuqda horumar muuqda. wey u qalantaa in lagu dhigo shirka maamul u sameynta hiiran iyo Shabelle.

    Guul wacan Shabelle & Hiiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here