Daawo: Dowlada oo caalamka kala hadleysa sidii Baasaboorka Soomaaliya loogu safri lahaa

baasaboorkaTaliyaha waaxda socdaalka iyo jinsidiyada dowlada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa ka hadlay qaadashada baasaboorka Soomaaliya iyo dadaalka dowlada ugu jirto sidii caalamka loogu safri lahaa baasaboorka Soomaaliga.
Taliyaha oo la hadlay TV-ga Somali Cable, ayaa sheegay in wadamo badan oo caalamka ah ay kala hadleen sidii u aqbali lahaayeen in baasaboorka Soomaaliya loogu safri karo dalalkooda.

Dad khabiiro ah ayuu sheegay in loo xilsaaray sidii baasaboorka Soomaaliya caalamka looga aqoonsan lahaa, isaga oo sheegay in dalal badan oo dood arimahaasi ka qabay ay la kulmeen.

Halkan ka daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here