Daawo: C/weli Gaas oo La Kulmay Hay’adaha Q/Midoobey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-1-2015 kullan madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula qaatay Madaxda Hay’addaha UN-ka ee ka howlgala gudaha Puntland.

Kullankaan oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Gaas ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax.

Muhiimada shirka ayaa ahaa xoojinta iskaashiga wada shaqeyn ee ay hay’adahaasi la leeyihiin dawladda Puntland iyo sidookale soo bandhigada waxqabadkoodii sanadkii tagey ee 2014 iyo qorshayaasha horumarineed ee u dagsan sanadkaan cusub ee 2015.

Mudadii uu socday kullanka ayaa waxaa la is dhaafsaday su’aalo ku aadan waxqabadka hay’adahaasi ka fuliyeen Puntland iyo hadii ay jireen wax caqabada ah oo ka hor istaagay shaqadooda, balse waxaa ay cadeeyen in ay san jirin wax dhib ah oo ay la kulmeen, shaqadoodana ay u wateen sidii loogu talagalay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxda hay’adahaasi ku booriyey in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda waxqabad islamarkaana ay adeegooda si siman oo cadaalad ah u gaarsiiyaan guud ahaan gobolada Puntland gaar ahaana deegaanada laamiga kabaxsan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa isna dhankiisa kula dardaarmay madaxda Hay’addaha UN-ka in ay ku dadaalan bixinta canshuuraha waajibka ku ah.

Kullankaasi ayaa ugu dambeyn ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad, waxaana ay dhankooda balan qaadeen in ay dardar gelinayaan howlaha horumarineed ee ay kawadaan guud ahaan Gobolada Puntland.

IMG_1301 IMG_1302 IMG_1323 IMG_1324 IMG_1341 IMG_1350 IMG_1352 IMG_1353

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here