Daawo: C/kiriin Guuleed oo mar kale Wasiir Noqday

Taariikhda markii ay aheyd 24-kii Bishii May Sanadkii hore 2014-kii ayaa waxa uu xilkiisii iska Casilay C/kiriin Xuseen Guuleed oo ahaa xilligaasi Wasiirkii Amniga Qaranka kadib markii uu qaban waayo shaqadii Sugida Amniga Dalka.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKII UU ISKU CASILAYEY C/KRIIN GUULEED

Hadaba Mar kale ayuu Cabdikiriin Xuseen Guuleed noqday Wasiir iyadoona Xalay loo magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Waxaana jira dadka qaar oo dhaliilsan in C/kiriin Guuleed oo hore Xilkii wasiirkii Amniga iskaga Casilay hadan mar kale xil Wasiirnimo loo soo magacaabo.

1 COMMENT

  1. Raisul wasaraha Wixii uu magacaabayo waa shaqo isaga u taala, cidii uu arko iney waxqabadkeedu fiican yahayna waaa uu ku soo celin karaa ama u magacaabi ka jago wasiirnimo.

    Muhiimada waa waa WAXQABAD iyo SHAQADDA adag ee hor taala wasiiradda yaa horey u socod siin kara..

    Qof-ka isaga oo WASIIR noqdey ayuu 2,3,4 jeer ku soo noqon karaa xukuumadda ama qaban karaa Xil wasiirnimo, waxay ku xiran tahay kalsoonidda ay dowladda ku qabto.

    Waqtigaan lama joogo waqtii wax la dhaliilaahaa ee waxaa la joogaa waqtigii horey loo socon lahaa, ee aan ka daba tegi lahayn Dowladdaha inaga hormaray. DUNADDA-na aan wax la qabeysan lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here