Booliska ka socda AU oo ka howlgalaya magalada Muqdisho ” Daawo”

Ciidamada booliska Midowga Afrika ee dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa bilaabay iney ka howlgalaan saldhiyada Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo la arkayay iyagoo dhoolatusyo ka sameynaya Saldhigyada Yaaqshiid iyo xamarweyne. Booliskan ka socda Midowga Afrika ayaa waxaa tiradooda ay gaarayaan 140 Askari oo agabkooda u dhan yahay, waxaana loo kala qeybiyay Saldhigyada Booliska Xamarweyne iyo Yaaqshiid, iyadoo maalmaha soo socdana la geyn doono saldhiyada kale.

Sida ay sheegeen Saraakiisha hoggaamineysa Booliskan waxay isugu jiraan saraakiil, Boolis iyo bambi-baarayaal, waxayna Booliska Soomaaliyeed ay ka caawin doonaan howlaha xirfadeed ee Booliska. HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO SAWIRADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here