Daaraha dhaadheer ee Nairobi oo amaankoodu la adkeeyey

Booliska Kenya ayaa liis gareeyey todobo dhismo oo ah kuwa ugu dhaadheer magaalada Nairobi caasimada dalka Kenya kuwaasi oo looga cabsi qabo in ay qaraxyo ku weeraraan Al Shabaab.

Warbixin kasoo baxday Xafiiska xaga amaanka ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamo boolis ah oo fara badan la dhigay dhismooyinka ugu dhaadher uguna caansan ee magaalada Nairobi.

Feejignaanta la geliyey daaraha caanka ah ee Nairobi ayaa ka danbeeyey marki todobaadki hore ay Al Shabaab ku hanjabtay in ay qaraxyo ka geysan doonto, xilli wali Kenyanka ay dhagahooda kasii yeereyso bamki lagu weeraray dhismo ganacsi oo ku yaala Nairobi halkaas oo ay ku dhaawacmeen 32 ruux.

Hanjabaadaasi ayaa aheyd tii sadexaad oo ay Al Shabaab u jeediyaan Kenya kadib marki ay Kenya u dirtay ciidamadeeda dalka Soomaaliya si ay Al Shabaab u baacsadaan bishi October.

Dhismooyinka booliska la dhigay ee magaalada Naiorbi ayaa waxaa ka mid ah Kenyatta International Conference Centre, I&M Building, National Social Security Fund Building, Lornho House, View Park Towers iyo Nyayo House.

Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Eric Kiraithe ayaa sheegay in warbixinta Qaramada Midoobay ay tahay mid si qaldan loo diyaariyey isla markaana aysan jirin dhismo bartilmaameed ah oo ku yaala magaalada Nairobi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.