Daanyeer isku diray Laba reer oo dad badani ay ku dhinteen

Dagaalada qabaa’ilada ka dhex dhaca oo marka horeba sababaha uu ku bilowdo ay tahay mid inta badan aan u qalmin qiilna u noqon karin marka la barbardhigo dhibaatada ka dhalata ee soo kala gaarta labada dhinac, ayaa hadana waxaa yaab ah in ‘Daanyeer, isku diro laba reer.

Waxaa beri dhacday in nin kamid ah kuwa ganacsiyada yar yar ku lahaa deegaan uu deganaa ayaa daanyeer uu lahaa waxa uu faduuliyay gabdho arday ahaa oo wadada marayay, gabdhihii oo cararaya ayaa reerkoodii u tagtay, reerkii iyaga oo aan waxba is weydiin ayey qoryo qaateen, markii ay gaareen halkii dhibta ka dhacday ayey daanyeerkii iyo ninkii meesha ku ganacsanayay iyo laba nin oo kale is dul saareen bartii ayeyna ku dileen.!!!

Reerkii dadka laga dilay ayaa iyaga oo ka jawaabaya dilka loo geystay ayey iyaguna halkaas dad kale ku laayeen, waxaana halkaasi ka bilaabmay dagaal socday mudo ku dhaw usbuuc ama todobaad waxeyna galaafatay nolasha dad lagu qiyaasay 20 qof halka 50 dad gaarayaa ku naafoobeen!! .

Lama yaabin caqli yarida ay ka siman-yihiin laba reer ee daanyeerku isku diray sababto ah midaa mid kasii liidato ayaan anagu isku laaynaa hadii aanu soomaali nahay balse waxaa la yaab leh sida qabiilku mar walba ugu taaganyahay soo dadajinta sababtii aad ku dhiman laheyd ee hadana adigu aadan wali fahamsaneyn.

Waxaa kugu ceeb iyo doqonimo ah soomaaliyey Qabiillo “Daanyeer” ka caqli liito in aad maanta dhan ku faanto oo aad wax walba ka hormariso.

Fadlan walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Farhan A Hussein

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here