Daahir Amiin Jeesoow: “Waa Diin Naceeb Waxaa loo Xasuuqay Caruurta Dugsi Quraan ku Jirta”

Xildhibaanka laga soo doorto Gobolka Shabeelaha Hoose Xildhibaan Amiin Daahir Jeesoow ayaa ka hadlay xasuuqii dhawaan ay ciidamada AMISOM ka geysteen Deegaanka Jiiro Miskiin oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in ay aad uga argagaxeen ugana naxeen talaabadii ay ciidamada AMISOM ku xasuuqeen shacabka, wuxuuna intaasi ku daray in baaritaano dheer lagu sameeyo arintaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay waajib tahay baaritaan lagu sameeyo xasuuqaasi ay geysteen ciidamada AMISOM, kaasoo ay maalin ka hor ka geyteen Shabeelaha Hoose, isagoo ku tilmaamay inay ahayd mid Diin naceeb ah in ay AMISOM xasuuqaan caruur dugsi quraan dhiganeysa.

” Waxaan dhihi karaa waa Diin naceeb waxaa loo laayay Caruur Dugsi Leego ku yaala dhaiganeysay, Hadii la doonayo in wax laga qabto falkaasi foosha xun, waa in meesha la tago oo baaritaan la sameeyaa ” sidaa waxaa yiri Xildhibaan Amiin Daahir Jeesoow.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan soo saaray warar dhowr ah, kaasoo ay ku sheegeen inay baarayan falkaasi, iyagoo sheegay inay wax ka qabanayaan hadii ay tahay sida wax loo sheego ay tahay sheekada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here