Daafaca AC Milan Nesta Oo Sheegay Inuu Hal Sano Sii Ciyaari Doono.

Daafaca kooxda haysata horyaalka Talyaaniga oo bisha March ee sanadkan 36sano u buuxsami doonto da’adiisa ayaa sheegay in uu doonayo in mudoo hal sano ah oo kale uu garoomada ku sii jiro.

Ciyaaryahankan oo xulka dalkiisa kamid ahaa markii ay ku guuleysanayeen koobka adduunka ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa soo wajahay dhaawacyo, hase yeeshee waxa uu beeniyey inuu garoomada ka laalaabanayo kabihiisa bisha June.

“Ma doonayo in aan ciyaaraha ka fariisto weli,”ayuu u sheegay daafacan  Gazzetta dello Sport maanta. “Ma jeceli weli inaan ciyaaraha ka fariisto.”

Nesta oo ku soo biirey kooxda Rossoneri sanadkii 2002 isagoo ka soo tegey kooxda Lazio ayaa saxiixay heshiis hal sano ah bishii May ee sanadkii hore.

Ciyaaryahankan ayaa waxaa uu ka mid ahaa kooxdii ku guuleysatay Scudettaha sanadkii hore waxana uu sheegay in uu hubo in koobab kale ay kooxdu ku guuleysan doonto dhowaan.

“Waxaan fahamsanahay in Milan ay ku guuleysan doonto koob muhiim ah mar kale xilli ciyaareedkan,”ayuu sii raaciyey  Nesta.

“Waxaan ka mid nahay kooxaha ugu dhow inay ku guuleystaan horyaalka Talyaaniga waxana aan ka mid noqon lahayn kooxaha ugu dhow inay ku guuleystaan championka haddii aanay kooxda Barcelona…..…

“Waxaan haysanaa Zlatan Ibrahimovic oo la mid ah Lionel Messi, ahna laacib aan macquul ahayn  waxana uu kaga soo tegi karaa labo ciyaaryahan oo ka soo horjeeda.”

Milah ayaa waxa ay si wadajir ah u hogaaminayaan horyaalka Talyaaniga kooxda Juventus waxayna la ciyaari doontaa kooxda Chelsea