Daacishta qabsatay Qandala oo Hawada laga duqeeyay

DronesDiyaarado dagaal oo aan la ogeyn dalka laga leeyahay, ayaa lagu soo waramayaa ineey duqeyn ba’an la bartilmaameedsadeen Daacishta qabsatay deegaanka Qandala ee Gobolka Bari.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeynta ka dhacday degmada Qandala ee gobolka Bari, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in duqeynta laga soo riday maraakiib dagaal oo ku sugan agagaarka xeebta degmadaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in duqeynta ay aheyd diyaarado dagaal oo dul heehaabayay magaalada.

Lama oga khasaaraha duqeynta ka dhashay, balse waxaa cabsi horleh ay soo wajahday shacabka ku sugnaa degmada Qandala ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here