Daacish oo la wareegtay deegaan katirsan Puntland

isisWararka laga helayo degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubeysan ay qabsadeen xarumihii maamulka ee deegaanka aroornimadii saaka.

Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamad Khuurshe ayaa BBC-da ee u sheegay in koox ka tirsan ururka isku magacaabay khilaafada islaamka ay saaka si nabad ah kula wareegeen degmada uu gudoomiyaha ka yahay ee Qandala.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dableyda qabsatay magaalada ay gaarayaan tobaneeyo qof.

Daacish ayaanan ku xoog badneyn Soomaaliya, balse waxaa jiro dagaal yahano ka mid ahaan jiray Alshabaab oo ku biiray ururkaasi.

Wixii warara ee ku soo kordha arimaha Qandala idaacadaheena danbe ayaad kula socon doontaan.

Xiggasho: BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here