Cyruz Oguna: Wxaan La Wareegay Deegaana ka Tirsan Jubada Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobbolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dowadda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegeen deegan kamid ah Jubada Hoose.

Ciidamada huwanta ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen deegaanka Biibi oo 50 KM dhanka woqooyi kaga beegan degmada Afmadow ee gobbolka Jubada Hoose.

Afhayeenka ciidamada Militariga Kenya Cyruz Oguna ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya ay la wareegeen deegaanka Biibi halkaasi oo ay sugnaayeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

Cyruz Oguna oo ah afhayeenka ayaa xusay in dagaalkaasi ay Al-Shabaab kaga dileen dagaalyahano waxa uuna hoosta ka xarriiqay in sidoo kale ay dhaawaceen tiro Al-Shabaab.

Sikastaba ciidamada Dowladda ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan ay ciidamadu la wareegidoonaan magaalada Kismaayo oo ay hadda ku sii wajahanyihiin ciidamadu.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here