C/Weli Gaas oo la kulmay wasiirka difaaca Jibuuti

 

C/Weli Gaas oo la kulmay wasiirka difaaca Jibuuti
C/Weli Gaas oo la kulmay wasiirka difaaca Jibuuti

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Jabuuti uu kula kulmay wasiirka gaashandhiggaa Djibouti, masuuliyiin kale oo reer Jabuuti ah.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu la kulmay madaxda rugta ganacsiga Djibouti ,mamulka dakadaha ee Djibouti iyo mamulka sare ee shirkadda isgaarsiinta Djibouti .

Waxaa uu kula hadlay Siddii loo xoojin lahaa xiriirka Puntland iyo Djibouti, adkeynta ammaanka iyo arrimo kale oo quseeya labada dhinac.

Kulanka ka dib, masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Djibouti oo ay horkacayaan wasiirka Caddaalada Djiboti Aadan Xassan Aadan, Safiirka dowladda Djibouti u qaabilsan Soomaaliya Dayid Dubbad Rooble iyo xubno kale ayaa wafdiga Puntland u kexeeye xarumo kala duwan oo dalkaasi Djibouti ku yaalla.

Wafdiga ayaa booqday dekedda Djibouti, waxaana looga warramay qaabka ay u shaqayso iyo maamulkeeda, waxaa kale oo ay booqdeen xarunta isgaarsiinta waddanka Djibouti iyo wasaaradda gaashaan dhiga Djibouti halkaas oo looga warbixiyay wafdiga Puntland siyaabaha kala duwan ee ay xarumahaasi u howl galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here