C/wali oo ka gaabsaday baaqa Xilibaanada is casilaada….

PM_Abdiweli_AhmedR/wasaaraha DF C/wali Sheek Axmed, ayaa isagoo ku sugan magaalada Qoryooleey, waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo sida uu u arko Xilibaanada M/weynaha ka dalbaday inuu Is casilo.

Wareysi gaar ah oo uu ra’iisul wasaaruhu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inuu maqlay in xildhiabanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha inuu xilka ka dago, balse uusan faahfaahin ka badan intaas uusan ka hayn.

“Baaqa xildhibaannadan waan maqlay, sidoo kalena waxaan maqlay inuu kaga jawaabay madaxweynaha inuu soo dhaweynayo rayiga qof walba oo Soomaali ah, lana joogo xilligii qofka uu fikirkiisu soo bandhigi karo, kaddib caburin kala duwan oo ay horay ula kulmeen,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhinaca kale sheegay faah-faahin intaas ka badan uu heli doono marka uu tago Muqdisho, isagoo xusay inuusan wax badan kala socon go’aanka ay soo jeediyeen xildhibaannada.

 

1 COMMENT

  1. Labadii safar ee ugu baxay r/w abdi weli wasiirkii shaqada dastuuriyan lahaa lama socon maxay tahay sababta madaama meesha degaanadas laga xoreeyey kuwa nabaddiidka wasiiradii shaqda fulinta lahaa lama socon wafdiga waayo r/w wuxuu wadaa dhoolatus beeleed laga yaabo in uu waxka og yahay bayaanka xildhibaanada waayo qaabka uu shaqda u wado waa qaab qabiil aqoon la,aan hogaanka dowladeyd wuxuuu furayaa albaab xiran fidno abuur in soomali ay u noqoto meeshii laga keeney waa qurbo joog aan la socon soomaali qabiilada meeshey kala gaareen burburintii qaranka soomaliya damaca koox gaar ah rabo in aysan soomali nabad helin aduunkana la dhaho soomali ma rabto nidaam shuruuc iyo dowladnimo nin walbo uu rabo dhowr milyan uu daaro kaga iibsado wadamada aduunka dal iyo dad dayacan wadanimadiii ay gaartey meel xun lana rabo in soomali aysan yeelan dowlad awood leh nin walbana uu boobo wuxuu kasoo gaaro R/w abdi wali Argoosiga beeleedka jooji hadiii kale albaab xirmey ayaaa fureysaa maanta soomali in la walaalleeyo ayey rabtaa maahn in aad nqoto dagaal ooge cusub
    maalin walbo xildhibaandaan waxay eedeyaan wasiiro hal dhinac ah ama hal beel aawe wasiirada aan la maqal aan la ogeyn waxay qabtaan soomali waa in ay heshiisaa aan dagaal loo noqon fidnada joojo mudano ka shaqey midnimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here