C/wali Gaas Oo ka hadlay is qab qabsiga ka dhexeeya isaga iyo labada shariif (Dhageyso)

Dr C/wali Maxamed Cali Gaas Ra iisul wasaarihii hore ee Soomalia hadana ah mudane ka tirsan baarlamaanka cusub ee faderaalka Soomalia ayaa waxaa uu ka hadlay arimo dhowr ah ay ka mid tahay arimaha hada socda ee is qab qabsiga ka taagan xildhibaanada qaar ee maal mahaan dambe taagnaa waxaana uu sheegay in uu soo dhaweeynayo Qaabka ay hada ku shaqeynayaaan gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka waxaana uu sheegay in qaab cadaalad ah ay howsha u wadaan .

Gaas ayaa waxaa kaloo uu xusay in wixii jira loo baahan yahay in la horkeeno saxiixayaaasha Road mabka iyagoo u dhan si ay go.aan isku mid ah uga gaaraan taas oo umuuqaneysa in uu ka soo horjeedo hadal maalin ka hor ka soo baxay M/wayne Shariif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Dr Abdi wali in cid kasta oo dambi leh loo baaahan yahay in ay soo kala saaraan odayaasha dhaqanka cida dambiga leh iyo cida aan la hayn oo aaan loo baahnayn in maxkamada sare loo gudbiyo dadkii dib loo soo celiyay, arimahaa ayuu ku sheegay wareysi uu siiyaya idacada VOAda

Dhageyso Wareysiga oo Dhameystiran

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/08/cabdiweli.mp3″]

Sikastaba waxaa soo badanayay is qab qabsi ka dhex jira dhinacyo badan sida saxiixayaaasha Road mabka gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka odayaasha dhaqanka ee baarlamaanka ssoo xulayay qaybaha beelaha soomaliyeed qaaarkood iyo dhinacyo kale waxaana hada xaalada siyaasadeed ee dalka Soomalia ay tahay mid aad u walaacsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

2 COMMENTS

  1. Gaaaas iyo faroooole intay dbib huriyaan bay cid kale ku eedeeyaan,in Soomaali baratay oo aan dhib iyo dhagar dambe jirayn waa inay ogaadaan,waa hadday wax gartaan ama maqlaan.

    • war dadka la soo dacweeyey een aan lgu darin baarlamaanka cudub iska dhhafe ilmaha saqiirka ayaa og danbiga ay ka galeen soomaaliya marka ha isku soo barbar dhigin faroole cabdiwali iyo nimankaas dagaal oogayaasha ah oo na qasi jitay hadana waxay rabaeen inay baarlamaanka cusub qas galiyaa hawiye futto madoooooooobe ayaa tahay waan ku ogahay!!!!!

Leave a Reply to M.H.Buraleh Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here