C/wali Gaas muxuu ka yiri R/wasaaraha Cusub?

Gaas8C/wali Maxamed Cali Gaas, oo horay R/wasaare uga soo noqday Doowladii KMG ahayd ee uu hogaaminayay M/weyne Shariif, haatana kamid ah musharaxiinta u tartameysa Madaxtinimada maamulka Puntland, ayaa waxa uu amaan usoo jeediyay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Axmed Maxamed.

“Waxaan u hambalyeynayaa raysal qasaaraha cusub ee dalka C/weli Sheekh Axmed.” ayuu yiri Dr. C/weli Gaas.

Gaas, oo ka hadlay aqoonta uu u leeyahay raysul wasaaraha cusub ayaa wuxuu sheegay inuu si fiican u yaqaano C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

“C/weli waa nimaan aqaan, waa nin aqoon iyo kartiba leh.” ayuu yiri.

Dr. Gaas ayaa hadalkiisa oo koobnaa wuxuu raysal wasaaraha cusubu rajeeyay inuu xiliisa Eebbe ku guuleeyo, uuna nlqdo mid dalka u horseeda nabad iyo horumar.

Inta badan Soomaalida ku nool Dalka dibadiisa iyo Gudihiisa, ayaa si weyn usoo dhaweeyay magacaabista R/wasaaraha Cusub, iyadoo Dibad-baxyo lagu taageerayana ay ka dhaceen qeybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here