C/wali Gaas iyo Cade Muuse oo Wada Qorshe ay Talada kaga Tuurya Faroole

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cade Muuqse Xirsi ayaa bilaabay qorshe ay meesha kaga saarayaan C/raxmaan Faroole oo ah Madaxweynaha maamulkaasi.

Kulan ka dhacay Magaalada Shaariqa ee Wadanka Imaaraatka Carabta ayay kaga hadleen labadan Masuul inaysan raali ka ahayn xil kororsi uu sameeyo C/raxmaan Faroole , waxayna sheegeen inaysan raali ka ahayn sida uuw ax u wado Faroole.

“Cabdiraxmaan fariin ha la iga gaadhsiiyo wuxuu yiri nin isaga ka weyn ma qabanayo dee anigu waxaan leeyahay anigu waa ka tagay waana isleegnahay cabdiraxmaan waa inuu sharciga u hogaansamaa “sidaasi waxaa yiri Cade Muuse.

Sidoo Kale C/wali Gaas ayaa ka jawaabay su’aalo la weydiinayay , waxaana uu ka jawaabay eedeeyn kaga timid Maamulka Faroole kaaso ahaa in Gaas uu hor istaagay dhismaha Garoomada Puntland.

C/wali Gaas ayaa sheegay inuusan hor istaagin dib u dhiska Garoomada Puntland , wuxuuna qiray inuu isaga soo dhameeyay qorshaha ah in dib loo dhiso Garoomada Puntland.

Wadanka Imaaraatka Carabta ayaa hada waxaa ka socdo Olole xoogan oo lagu taageerayo Gaas iyo Cade , waxayna Magaalooyinka Imaaraatka Carabta ay ka wadaan kulamo ay la qaadanayaan Dadka ka soo jeeda Deegaanada Puntland Soomaaliya.

C/raxman Faroole ayaa isaga waxaa godkiisa Biyo ugu soo galeen marki uu C/wali Gaas soo gaaray Puntland , waxaana wixii waqtigaasi ka dambeeyay Faroole oo il gaar ah ku hayay Gaas iyo waxa uu damacsan yahay , taasoo ugu dambeyn loogu hanjabay in la dilayo hadii uusan ka bixin Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here