Cutub ka mid ah ciidanka Uganda oo la badalay

Dowlada Uganda ayaa kala baxday dalka Soomaaliya hal cutub oo ka mid ah ciidamada ka joogay, iyada oo ku badashay cutub kale oo caaboon oo badal ah.

Ciidamadan oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta Midowha Africa ee AMISOM waxa ay ka baxeen maanta magaalada Muqdisho, waxaana warkaasi xaqiijiyey abaanduulaha ciidamada dhulka ee Uganda Lt. Gen Katumba Wamala.

Ciidamadi ka baxay dalka Somalia waxaa hogaaminayey Brig. Paul Lokech, halka kuwa badalay ee ka yimid Uganda oo gaaraya 2,830 uu horboodayo Brig. Michael Ondoga.

Ciidamadaan ayaa waxa ay Somalia joogi doonaan hal sano, kadibna waxa badali doono koox kale sida caadada u ah Uganda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here