Cumar Xamaami oo ku hanjabay inuu weerari doono danaha Mareeykanka ee geeska Afrika

Cumar Xamaami, oo sidoo kalena loo yaqaano (Abuu Mansuur Al-amriiki), kana soo jeeda gobolka Alabama, ee dalka Mareeykanka, ayaa mar uu la hadlayay Wabsed ku yaala dalka Mareeykanka, ayaa ku hanjabay inuu weerari doono danaha uu Mareeykanka ku leeyahay Caalamka.

Cumar Xamaami, oo haatan madaxiisa doowlada Mareeykanka ay dul dhigtay lacag gaareysa 5 milyan oo doolar, ayaa sheegay in lacagta isaga la duldhigay aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin noloshiisa, waxaana uu xusay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Mareeykanka ee dunida ka socda.

Warkaan oo ay qortay wakaalada wararka ee AFP, ayaa Cumar Xamaami waxa uu sidoo kale sheegay inuu aaminsanyahay, inuu xaq ku taaganyahay, si gaar ahna uu u bartilmaameedsan doono danaha uu Mareeykanka ku leeyahay dunida.

Wareeysigaan uu bixiyay Cumar Xamaami, oo looga qaaday aalada Twitter-ka, ayaa sheegay in aysan jirin wax walaac ah uu ka qabo in la qabto, mareeykankana loo gacan galiyo.

“Waxaan aaminsanahay inaan xaq ku taaganahay, howsha aan haayo waa xaq, waxaan balan qaadayaa in Mareeykanka meel walbo uu joogo, aan dhibaato gaarsiin doono” ayuu yiri Cumar Xamaami.

Xamaami, ayaa xusay in hada uu ku noolyahay, meel kamid ah Soomaaliya, islamarkaasna uu diyaar u yahay inuu caawiyo Xarakada Al-shabaab, oo horay isaga u gaad gaadayay, dhowr marna uu Internetka soo galiyay inuu naftiisa uga baqayo in Al-shabaab ay qaarajiyaan.

“Ma ahan waqtigii aan dib uga noqon lahaa howsha aan haayo” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

Doowlada Mareeykanka, ayaa dhawaan miin 5 milyan oo doolarka Mareeykanka ah dul dhigtay, Cumar Xamaami, iyo Jihaad Mustafa, oo labadoodaba u dhashay Mareeykanka, balse haatan ka garab dagaalama Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here